Mikel Arteta ayaa difaacay xiddiga Kai Havertz waxana uu aaminsan yahay in saaxiibadiisa cusub ee kooxdu ay qayb ka yihiin dhibaatada uu ku dhibaatooday kooxda ilaa haatan.
Xiddiga ayaa si lama filaan ah ugu biiray Kooxda Arsenal bilowgii suuqa xagaaga kadib markii uu Arteta dalbaday waxana uu ilaa haatan ku dhibaatooday in uu qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigo kooxda.
Arteta ayaa rajaynayay in uu Havertz caawiyo khadka dhexe ee weerarka kooxdiisa waxana uu ka ciyaarsiinayaa boos uu Granit Xhaka qaab ciayareed fiican ku soo bandhigay xilli ciyaareedkii hore.
Laakiin waxa uu ku dhibaatooday in uu si fiican u ciyaaro taas oo keentay in ay taageerayaasha iyo waliba saxaafadu dhaleecayn dusha ka saarto xiddiga.
“Wuxuu ka ciyaari karaa doorar kala duwan si fiican ayuuna u ciyaari karaa,” ayuu yiri Arteta oo amaanay wax-ka-beddelka Havertz ka hor kulanka Axadda ee Manchester United.
“Waxa uu leeyahay maskax fiican oo kubada ah, sida uu u fahmo marka ay tahay in uu dhaqaaqo, haatan waxa uu ka ciyaaray 3 boos oo kala duwan waxana uu ka garab ciyaaray Timber, Tomiyasu iyo Kiwior iyaga ayay tahay in ay ka dhigaan in uu fiicnaado”
Related