Emmanuel Petit ayaa ku booriyay Mikel Arteta inuu kaydka dhigo xiddiga Kai Havertz kulanka ay la ciyaari doonaan Tottenham kulan premier League.
Kubad sameeyaha reer Germany ayaa la filaya ain uu ku bilowdo kulankiisii ugu horeeyay ee North London Derby laakiin xiddigii hore ee Arsenal Petit ayaa aaminsan in Havertz uu u baahan yahay waqti badan si uu ula qabsado kooxda.
Isagoo ka hadlayay Betway, Petit wuxuu yiri: “Waxaad arki kartaa Havertz inuusan weli si kalsooni ah u ciyaarin, wuxuu ku dhibtoonayay tan iyo markii uu yimid England – iska daa inuu joogo Arsenal”.
“Hadii aan ahaan lahaa Arteta, waxaan ka fiirsan lahaa inaan isaga dhigo kursiga keydka oo aan siiyo nasiino sax ah”.
“Ma ahan qaab ciqaab ah laakiin waxa uu u baahan yahay in uu fahmo qaab ciyaareedka xiddigaha ay isku kooxda yihiin sababta oo ah haatan ma jiro wax xidhiidh ah oo kala dhexeeya saaxiibadiisa”.

Related



Source link