Tababaraha kooxda Arsenal Mikel Arteta ayaa loo sheegay in uu kaydka dhigo xiddiga qaab ciyaareedka fiican ku jira ee Eddie Nketiah isla markaasna ku badalo xiddiga Gabriel Jesus kulanka soo socda.
Arsenal ayaa la ciyaari doonta kooxda Everton Axada dambe kulan ka tirsan premier League iyada oo ay kooxda Arteta doonayaan in ay sii wadaan guulaha iyaga oo ilaa haatan ciyaaray 4 kulan.
Eddie Nketiah Ayaa ku bilowday 3 ka mid ah 4-ta kulan ee ay kooxdu ciyaartay waxana uu dhaliyay 2 gool halka uuna Gabriel Jesus wali ku bilaaban kulamada kooxda xilli ciyaareedkan.
Isagoo la hadlayay The Gooners Podcast, Campbell ayaa ka hadlay Jesus wuxuuna yiri:”Waxa soo gaadhay dhaawac laakiin wuu soo laabtay farqi ayuuna sameeyay”.
“Kulanka Everton waxa aan qabaa in uu Gabriel Jesus ku bilowdo hadii uu taam yahay sababta oo waxa uu sameeyaa farqi weyn marka uu garoonka ku jiro”.
Inkasta oo uu ku taageeray in uu ku bilowdo kulanka Arsenal, hadana Waxa uu Campbell in uu Jesus u baahanyahay in uu dhaliyo goolal badan.
“Waxa aan Gabriel Jesus uga baahanahay goolal badna xilli ciyaareedkan, si la mid ah waxa aan ka sugaynaa goolal xiddigaha Saka, Martinelli iyo Havertz”.
Related