Mikel Arteta ayaa door muhiim ah ka ciyaaray ku qancinta weeraryahanka Chelsea Kai Havertz inuu ku biiro Arsenal xagaagan, sida ay wararku sheegayaan.
Arsenal ayaa haatanba laga diiday dalab ay ku doonaysay xiddiga iyada oo la filayo in ay dalab cusub ka gudbiso xiddiga.
Havertz ayaa iska diiday ku biirista kooxda Bayern Munich si uu ugu biiro kooxda Arsenal siina joogo premier League.
Sida laga soo xigtay ESPN, Havertz ayaa si cad ugu sheegay chelsea in uuna heshiis cusub u saxiixi doonin kooxda isla markaas doonayo in uu ku biiro kooxda Arsenal.
Wararka ayaa sheegaya in uu Arteta door ka ciyaaray ku qancinta xiddiga in uu ku biiro kooxda Arsenal waxana uu u sheegay in uu Uga ciyaari karo kooxdiisa Boosaska No.8, No.10 iyo waliba labada garab ee weerarka iyo weerarka tooska ah.
Waxa la sheegayaa in awooda Havertz ee ah in uu ka ciyaari karo boosas badan ay Arteta ku qancisay in uu go’aansado in uu u dhaqaaqo saxiixa xiddiga.

Related



Source link