Tababaraha Arsenal Mikel Arteta ayaa ku rajo weyn in Martin Odegaard iyo Leandro Trossard ay ka badbaadeen dhaawac halis ah kadib ciyaartii saaxiibtinimo ee Khamiista ay 1-1 la gashay Nuremberg.
Arsenal ayaa bar-baro ku dhaafi wayday kooxda reer Germany ee Nuremberg kulan ka tirsanaa isku diyaarinat xilli ciyaareedka cusub.
Xiddigaha Odegaard & Trossard ayaa ku bilowday shaxda Rasmiga ah ee ciyaarta laakiin Ogegaard ayaa la badalay iyada oo 5 daqiiqo ka dhimantahay dhamaadka qaybta hore sabab la xidhiidha dhaawac.
Trossard ayaa isagana lagu badlaay Balogun qaybtii dambe Arteta ayaana wax laga waydiiyay xaalada labada xiddig kadib dhamaadkii ciyaarta.
“Odegaard waxa uu dareemay dhaawac yar intii uu ku jiray isku diyaarinta ciyaart, waxana uu ka dhaawacmay kuraanta”ayuu Arteta yidhi”
“Trossard waxa uu dareemay dhinaciisa xanuun”.
“Waxa aan qiimaynay hadii Ogegaard iyo Trossard soo gaadheen dhaawacyo halis ah laakiin ma rajaynayo in ay taasi dhacday”.
Related