Tababaraha Arsenal Mikel Arteta ayaan hubin heerka uu gaarsiisan yahay dhaawaca Jurrien Timber ka soo gaaray kulankii furitaanka Premier League ee Sabtidii ay 2-1 kaga badiyeen Nottingham Forest.
Xiddiga reer Netherlands ayaa ku bilowday kulankiisii ugu horeeyay ee Arsenal laakiin waxa uu dhaawac uga baxay dhamaadkii qaybtii hore ee ciyaarta.
Timber ayaa isku dayay in uu sii wado ciyaarto laakiin waxa uu ugu dambayn sii wadi kari waayay in uu ciyaaro isaga oo u muuqday in uu ka dhaawacmay kubka.
Tababaraha Arsenal Mikel Arteta ayaa ka hadlay xaalada xiddigiisa kadib dhamaadkii kulankii Nottingham ee horyaalka premier League.
Mar la waydiiyay hadii uu wax ka ogyahay dhaawaca daafaca ayuu Arteta yidhi””Maya, saraakiisha, dhakhaatiirta, way eegeen isaga wayna ku faraxsan yihiin inay sii baadhaan”.
“Waxa uu dareemay arin xanuun badan waanan qiimayn doonaa xaaladiisa”ayuu sii raaciyay.
Related