Mikel Arteta ayaa diidan inuu meesha ka saaro in ay kooxdiisu saxiixyo kale samayn karto suuqa xagaaga.
Gunners ayaa lacag 200 milyan ah suuqa galisay kadib markii ay la soo saxiixatay xiddigaha Declan Rice, Kai Havertz iyo Jurrien Timber.
Arsenal ayaa lala xidhiidhinayaa xiddigo badan oo ay ka mid yihiin Romeo Lavia iyo Joao Cancelo kuwas oo uu Arteta si gaar ah u dalbaday.
Markii la weydiiyay haddii taageerayaasha Arsenal ay filan karaan saxiixyo kale inta uu furanyahay suuqa xagaaga Arteta ayaa yidhi”Aan Aragno waxa dhaca”.
“Wali wakhti ayaa ka dhiman suuqa waxana jira filasho badan”.
“Waxa aan arki doonaa sida ay wax u socdaan toodbaadyada soo socda, diyaar ayaan ahaan doonaa hadii aan u baahano in ay wax samayno”ayuu sii raaciyay.
Sii Akhriso: Somaliya Oo Xaqiijisay In Ay Heshay Hub Casri Ah Xilli La Bilaabayo Wajiga Cusub Ee La Dagaalanka Al-Shabaab.

Related



Source link