Tababaraha Kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa ka hadlay bar-barihii ay kooxdiisu la gashay Fulham.
Arsenal ayaa bar-baro 2/2 ah la gashay kooxda Fulham kulan ka dhacay Emirates kulan ka tirsanaa horyaalka premier League.
Arteta oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Sida iska cad marka aad khalad samaysay waxa lagaa dhalinayaa goolal wakhti hore waana arin adag”.
“Waxa aan samaynay fursado badan qaybtii dambe waxana aan samaynay badal badan”.
“Waxa aan dhalinay laba gool laakiin waxa ay ahayd in aan ciyaarta dilno”
“Hadii aanad ciyaarta dilin waxa dhacaysa in lagugu soo laabto”ayuu sii raaciyay.
Related