Tababaraha Kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa wax laga waydiiyay wararka kooxdiisa la xidhiidhinaya xiddiga kooxda PSG ee Kylian Mbappe.
PSG ayaa go’aansatay in ay iska iibiso xiddiga reer France halkii ay qaab xor ah ku waayi lahayd xiddiga xagaaga dambe.
Arsenal ayaa todobaadyadii ugu dambeeyay lala xidhiidhinayay kooxda Arsenal iyada oo Gunners suuqa ugu jirta saxiixa weeraryahan cusub.
Ka hor kulanka ay Arsenal la ciyaari doonto Man United Mikel Arteta ayaa wax laga waydiiyay wararka kooxdiisa la xidhiidhinaya Mbappe.
Mikel Arteta oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Ma doonayo in aan ka hadlo xiddigaha kooxaha kale”.
“Mbappe haatan waa xiddig u ciyaara PSG sidaas ayaanan ku dhaafaynaa”ayuu sii raaciyay.
Sii Akhriso: Xukuumada Somaliya Oo Bilaabaysa Wajiga 2-aad Ee Dagaalka Al-Shabaab, Wax Ka Ogow Dagmooyinka Ay Al-Shabaab Haatan Maamusho.

Related



Source link