Micah Richards ayaa aaminsan in dhaawaca Gabriel Jesus ee ka hor xilli ciyaareedka uu haatanba dilay fursadaha Arsenal ee ku guulaysiga horyaalka premier League xilli ciyaareedka cusub.
Jesus, oo 26 jir ah, ayaa seegi doona bilowga xilli ciyaareedka ka dib markii qaliin jilibka ah lagu sameeyay bishii hore.
Xiddiga reer Brazil ayaa ku dhibaatooday dhaawac jilibka ah xilli ciyaareedkii hore waxana uu seegay inta badan kulamada kooxdiisa.
Mikel Arteta ayaa xaqiijiyay in uu Jesus garoomada ka maqnaan doono bilowga xilli ciyaareedka cusub Richards ayaana rumaysan in dhaawaca Jesus uu haatanba dilay fursadaha Arsenal ee premier League.
Richards oo la hadlaya BBC ayaa yidhi”Waxa aan Arsenal u saadaalin lahaa ku guulaysiga horyaalka xilli ciyaareedkan laakiin dhaawaca Gabriel Jesus ayaa dilaya fursadaha Arsenal”.
“Waxan u malaynayaa in dhaawaca Gabriel Jesus ay durba dishay fursadaha Arsenal inkasta oo uuna bilaaban xilli ciyaareedku”.

Related



Source link