Waxa si Rasmi ah u furmay suuqa kala iibsiga xagaaga iyada oo kooxuhu bilaabeen in ay suuqa u galaan xoojinta kooxhooda si ay ugu diyaar garoobaan xilli ciyaareedka cusub.
Kooxaha kala duwan ayaa raadinaya xiddigo cusub oo ay doonayaan in ay ku xoojiyaan ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub.
Kooxda Tottenham ayaa dalab 40 milyan ah ka gudbisay saxiixa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Leicester City ee James Maddison Laakiin Foxes ayaa doonaya lacag dhan 60 miyan oo euro (Telegraph).
Kooxda Napoli ayaa dalab 100 milyan ah ka diiday kooxda PSG kuwaas oo doonaya saxiixa xiddiga weerarka ka ciyaara ee Victor Osimhen (Gazzetta dello Sport).
Kooxda Bayern Munich ayaa hogaanka u qabatay tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga Harry Kane kadib markii ay dalab Rasmi ah ka gudbiyeen saxiixiisa (Sky Sport Germany).
Xiddigaha Jadon Sancho & Harry Maguire ayaa ka mid ah 13 oo ay Man United suuqa dhigtay xagagaan (Mail).
Kooxda chelsea ayaa heshiisak shaqsiga ah la gaadhay xiddiga khadka dhexe ee kooxda Brighton Moises Caicedo laakiin haatan waxa ay u baahantahay in ay la heshiiso Brighton (Fabrizio Romano).
Mohamed Salah ayaa iska diiday kooxaha sucuudiga ee lala xidhiidhinayo isaga oo doonaya in uu ciyaaraha kaga fadhiisto Liverpool (Mirror).
Kooxda Arsenal ayaa xiddiga kooxda Monaco ee Youssouf Fofana u calaamadsatay badalka Declan Rice (L’Equipe).
Arsenal ayaa la filayaa in ay 48 saac ee soo socota dalab cusub oo 3-aad ka gudbiso xiddiga Declan Rice (Athletic).
Liverpool ayaa wadahadalo furtay kooxda Southampton oo ay ka doonayso xiddiga khadka dhexe ee Romeo Lavia (Fabrizio Romano).
Kooxda Arsenal ayaa dalab cusub ka gudbisay saxiixa Jurrien Timber waxana ay ku rajo weyntahay in laga aqbalo dalabkaas (Mail).
Xiddiga kooxda Bayern Munich ee Sadio Mane ayaa iska diiday dalab waali ah oo uga yimid kooxaha sucuudiga ka ciyaara (90min).
Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Fiorentina Sofyan Amrabat ayaa diyaar u ahaa in uu ku biiro Barcelona laakiin xiddiga ayaa iska diiday kooxda kadib markii uu Messi ku soo laaban waayay kooxda (SPORT).
Kooxda Barcelona ayaa mar kale xagaagan isku dayi doonta in ay iska iibiso xiddiga khadka dhexe ee Frenkie de Jong si ay lacag ugu uruuriso suuqa kala iibsiga (Achraf Ben Ayad).

Related



Source link