Waxa fooda inagu soo haya suuqa kala iibsiga xagaaga iyada oo kooxuhu isu diyaarinayaan in ay suuqa u galaan xoojinta kooxhooda si ay ugu diyaar garoobaan xilli ciyaareedka cusub.
Iyada oo suuqu furmi doono bisha dambe kooxaha ayaa isku diyaarinaya in ay haatanba bilaabaan dadaalda ay saxiixyada ay doonayaan in ay ku xoojiyaan kooxohooda.
Kooxda Arsenal ayaa ku dhaw in ay 100 milyan ka bixiso saxiixa xiddiga kooxda West Ham ee Declan Rice (Guardian).
Tababaraha Kooxda Man City ee Pep Guardiola ayaa doonaya in uu isaga tago marka uu dhoco heshiiskiisa kooxda ee sanadka 2025 (Talksport).
Kooxda Arsenal ayaa ka cabsi qabta in ay chelsea ku garaaci karto saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Brighton ee Moises Caicedo (Football Transfers).
Kooxda Chelsea ayaa Goolhayaha kooxda Inter Milan ee Andre Onana ka dhigtay bartilmaameedkooda 1-aad ee suuqa xagaaga xilli ay Inter Milan ku qiimayso Goolhayaha lacag dhan 50 milyan oo euro (Evening Standard).
Man United iyo chelsea ayaa wali ku jira wadahadalo ku saabsan xiddiga khadka dhexe ee Mason Mount laakiin wali waxa u dhexeeya qiimo badan (Sky Sport).
Kooxda Man United ayaan u dhaqaaqi doonin saxiixa xiddiga kooxda Tottenham ee Harry Kane sabab la xidhiidha in ayna Tottenham doonayn in ay iibiso xiddiga (Sky Sport).
Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Barcelona ee Frenkie de Jong ayaa sheegay in uu mar kale iska diidi doono ku biirista Man United si uu u sii joogo Barcelona (Voetbal International).
Xiddiga kooxda Man United ee Christian Eriksen ayaa kooxdiisa ka caawinaya saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara Atalanta ee Rasmus Hojlund (Manchester Evening News).
Xiddiga Kylian Mbappe ayaa iska diiday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxdiisa PSG (L’Equipe).
Kooxda Liverpool ayaa doonaysa in ay chelsea kala soo saxiixato xiddiga daafaca uga ciyaara ee Levi Colwill (Liverpool Echo).
Kooxda Real Madrid ayaa u baahan in uu xiddiga Kylian Mbappe ku qasbo kooxda PSG in ay iibiso xagaagan (90min).
Kooxda RB Leipzig ayaa u sheegtay Man City in ay bixiso lacag dhan 75 milyan oo euro hadii ay doonayso saxiixa daafaca Josko Gvardiol (TalkSPORT).
Xiddiga kooxda Man City ee Riyad Mahrez ayaa iska diiday dalab waali ah oo uga yimid horyaalka sucuudiga (Football Insider).
Kooxda PSG ayaa lagu soo waramayaa in ay Man City u soo bandhigto xiddigaha Gianluigi Donnarumma & Marco Verratti si ay u helaan saxiixa xiddiga Bernardo Silva (Foot Mercato).

Related



Source link