Weeraryahanka Paris Saint-Germain iyo xulka France Kylian Mbappe ayaa qoray taariikh kale kadib markii uu guul ku hogaamiyay xulka qarankiisa kulankii ay 1/0 kaga badiyeen xulka Greece isreebreebka Euro 2024.
Xiddiga weerarka ka ciyaara ee Mbappe ayaa gool u badalay rikoodhe loo dhigay xulka qarankiisa kadib markii khalad lagu galay xidiga Antoine Griezmann.
Goolka uu Mbappe dhaliyay ayaa ahaa goolkii 54-aad ee uu waxana uu noqday xiddiga goolasha ugu badan dhaliyay xilli ciyaareed kaliya kooxda iyo xulka qarankiisa.
Mbappe ayaa dhaafay Halyeeyga ay isku xulka yihiin ee Just Fontaine kaas oo dhaliyay 53 gool xilli ciyaareedkii 1957/1958.
Xiddiga Mbappe ayaa kooxdiisa PSG u dhaliyay 41 gool xilli ciyaareedkii dhamaaday halka uu 13 u dhaliyay xulkiisa qaranka.
8 ka mid ah 13-ka gool ee uu u dhaliyay xulkiisa ayaa yimid koobkii adduunka ee ka dhacay Qatar isaga oo ku guulaystay gool dhalintar tartanka.
Related