Vinicius Jr ayaa muddo dheer diiday inuu helo lambarka 7-aad waxana uu aad ugu dhaganaa Lambarka No.20 laakiin dad badan ayaa aaminsan in uu Mbappe sabab u yahay is badalka Fikira Vinicius Jr.
Kadib markii ay soo baxeen wararka sheegaya in Mbappe uu u dhaqaaqi karo Real Madrid xagaagan, Vinicius waxa uu gartay in xiddiga reer France ee helay maaliyada No. 7 ay la macno tahay in uu noqon doono xiddiga 1-aad ee kooxda Real Madrid.
Sidaas darteed xiddiga reer Brazil ayaa qaatay go’aan uu ku qaadan doono Lambarka No.7 ka hor inta uuna Mbappe iman kooxda Real Madrid.
Vinicius Jr ayaa muhiim ka ahaa kooxda Real Madrid xilli ciyaareedkii dhamaaday waxana uu kooxda u dhaliyay goolal badan oo muhiim ah.
Kadib markii uu Vinicius Jr qaatan Lambarka No.7 waxa soo baxay warar sheegaya in uuna Mbappe heshiis cusub u saxiixi doonin kooxda PSG.
Real Madrid ayaa xiiso weyn u haysa saxiixa xiddiga Mbappe waxana xitaa laga yaabaa in ay u dhaqaaqaan saxiixiisa inta lagu jiro suuqa xagaagan.
Related