Saxafiga reer Madrid ee Ramon Alvarez ayaa qarxiyay lama filaan isaga oo sheegay in xiddiga France iyo Paris Saint-Germain Kylian Mbappe laga yaabo inuu ku biiro Real Madrid laba todobaad ee soo socda.
Haddii ay dhacdo in Real Madrid ay hubiso in ay jirto fursad dhab ah oo ay ku heli karto Mbappe xagaagan waxa ay diyaar u tahay in ay bixiso lacag walba oo ay ku heli karto saxiixiisa suuqa xagaagan.
Rajada Real Madrid ee saxiixa Mbappe ayaa sii kordhaysa iyada oo kooxda PSG ka fiirsanayso in ay iska fasaxdo xiddiga xagaagan halkii ay qaab xor ah ku waayi lahayd xiddiga xagaaga dambe.
Heshiiska Mbappe ee PSG ayaa dhici doona xagaaga dambe waxana uu diiday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda.
Kooxda Real Madrid ayaa xiiso wakhti fog ah u haysa Mbappe waxana ay ku dhawaatay saxiixiisa xagaagii hore ka hor inta uuna Mbappe heshiis cusub u saxiixin kooxda.

Related



Source link