Waxa si Rasmi ah u furmay suuqa kala iibsiga xagaaga iyada oo kooxuhu bilaabeen in ay suuqa u galaan xoojinta kooxhooda si ay ugu diyaar garoobaan xilli ciyaareedka cusub.
Kooxaha kala duwan ayaa raadinaya xiddigo cusub oo ay doonayaan in ay ku xoojiyaan ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub.
Kooxda chelsea iyo kooxda reer sucuudi ee Al-Hilal ayaa bilaabay dadaalada ay ku doonayaan saxiixa xiddiga kooxda PSG ee Kylian Mbappe (RMC Sport).
Al-Hilal ayaa Mbappe u soo bandhigtay mushahar dhan 400 milyan oo euro sanadkii waana isla maushaharkii ay u soo bandhigeen Messi inkasta oo uu xiddigu heshiis la gaadhay Real si uu xor ugu biiro xagaaga (Nicolo Schira).
Mbappe ayaa diyaar u ah in uu kaydka PSG fadhiyo xilli ciyaareedka dambe oo dhan si uu qaab xor ah uga tago kooxda xagaaga dambe xilli ay kooxda PSG suuqa dhigtay (Sky Sport).
Xaaska xiddiga Tottenham ee Harry Kane ayaa haatanba bilowday in ay guri ka raadiso magaalada Munich xilli uu ku dhaw yahay Bayern Munich (Bild).
Kooxda chelsea ayaa wadahadalo kula jirta xiddiga kooxda Ajax ee Mohammed Kudus (Athletic).
Kabtanka Liverpool ee Jordan Henderson ayaa ku baasay tijaabada caafimaadka kooxda Al-Ettifaq Si uu u dhamaystiro heshiiska (Athletic).
Klopp ayaa balan-qaday saxiixyo cusub ka hor inta uuna bilaaban suuqa xagaaga si uu u buuxiyo booska Henderson iyo Fabinho (FourFourTwo).
Kooxda Inter ayaa rumaysan in ay haatan heli karto saxiixa xiddiga Romelu Lukaku kadib markii ay Ac Milan iyo Juventus ka bexeen tartanka xiddiga (Gazzetta dello Sport).
Kooxda RB Leipzig ayaa u sheegtay Man City in ay bixiso 90 milyan hadii ay doonayso saxiixa xiddiga Josko Gvardiol (Mirror).
Liverpool ayaa wadahadalo kula jirta kooxda Southamton si ay u dhamaystirto saxiixa xiddiga Romeo Lavia (Football Insider).
Heshiis kordhinta Napoli ee xiddiga Victor Osimhen ayaa istaagay taas oo heegan galisay kooxaha Man United iyo chelsea (Corriere dello Sport).
Xiddiga reer Uruguay ee Luis Suarez ayaa doonaya in uu ku biiro kooxda Inter Miami si uu uga garab ciyaaro xiddiga Lionel Messi (ESPN).
Kooxaha Arsenal, chelsea iyo Man City ayaa doonaya saxiixa xiddiga kooxda Crystal palace ee Michael Olise (90min).
Kooxda Bayern Munich ayaa diyaarinaysa dalabkii ugu dambeeyay ee ay ku doonayso Harry Kane kaas oo gaadhaya 100 milyan oo euro (Bild).
Kooxda Atalanta ayaa Man United u sheegtay in ay bixiso lacag dhan 70 milyan oo euro si ay uga iibiso saxiixa xiddiga Rasmus Hojlund (Sky Sports).
Related