Muqdisho (soomaalinews.com) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa goordhow ka bilaabatay maxkamadeynta mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya, kuwaas oo loo haysto inay ku kaceen falal la xiriira musuq-maasuq.
Maxkamadda gobolka Banaadir oo kiiskan qaadeysa ayaa waxaa saaka la horgeeyay saraakiil ka tirsan Hey’adda socdaalka iyo Jinsiyadda oo u xiran xatooyo xoolo dadweyne.
Eedaha loo haysto saraakiishan ayaa waxaa kamid ah musuq-maasuq, ku takrifal awoodeed iyo lunsasho hanti dadweyne.
Dacwaddan waxaa Maxkamadda Gobolka Banaaditr usoo gudbiyay xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka oo haatan si rasmi ah u furi doono eedaha loo haysto mas’uuliyiintaasi.
Sidoo kale dacwaddan ayaa hadda ka socota xarunta maxkamadda, ayada oo dooda dhinacyada si toos ah loogala socdo warbaahinta Soomaaliyeed.
“Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta bilaabeysa dhageysiga dacwad Musuq-maasuq oo loo heysto saraakiil ka tirsan Hey’adda socdaalka iyo Jinsiyadda. Warbaahinta Qaranka ayaad si toos ah ugala socon doontaan Maxkamadeynta” ayaa lagu yiri qoraal ay daabacday warbaahinta Qaranka.
Hay’adda socdaalka ayaa xuddun u noqotay baaritaanka kiisaska musuq-maasuq ee ay waddo dowladda federaalka, ayada oo la rumeysan yahay in lacagta ugu badan ee dowladda federaalka, laga lunsaday ay ku maqan tahay shaqaalaha sare ee hay’addaas.
Si kastaba, dowladda Soomaaliya ayaa haatan ku guda jirto dagaal ka dhan ah musuqa, kaas oo loo soo xiray mas’uuliyiin dhowr ah, halka kuwa kalena ay ka baxsadeen dalka.