Muqdisho (soomaalinews.com) – Qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya iyo xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Cabdiraxmaan Muxumed Cabdulle (Jaabiri) ayaa waxaa soo kala dhex-galay khilaaf xoogan oo ku aadan maareynta howlaha baarlamaanka.
Khilaafkan ayaa Axaddii si xoogan loo dareemay, kadib markii uu buuq ka dhex dhacay kulankii Golaha Shacabka ee shalay, kaas oo ku aadan in xildhibaanada ay hadalka u diideen xoghayaha guud ee golahaasi Cabdiraxmaan Jaabiri oo iska fariistay markii dambe.
Maxay salka ku hayaa khilaafka soo kala dhex-galay xildhibaanada iyo xoghayaha BF?
Xildhibaan Mukhtaar Axmed Saajid oo kamid ah xildhibaanada ay is hayaan Jaabiri ayaa faah-faahin ka bixiyay waxyaalaha ay isku hayaan ee keenay khilaafkooda.
Saajid ayaa shaaciya in xoghayaha uu qaaday tallaabooyin ka dhan ah xildhibaanada, isaga oo tilmaamay in guuxiisa uu ka dheereeyay, sida uu hadalka u dhigay.
“Xoghayaha guuxiisa ayuu ka dheereeyay waa xoghaye waan ixtiraameynaa, sharaf ayuu leeyahay, laakiin looguma talagelin inuu ku dhago xildhibaanada oo arrimahooda soo guda-galo” ayuu yiri Xildhibaan Mukhtaar Axmed Saajid oo la hadlay Wariyeyaasha Muqdisho.
Sidoo kale wuxuu ku eeedeyay inuu ku xad-gudbay xeer hoosaadka golaha, isla-markaana uu xildibaano badan ka hor istaagay inay ka hadlaan baarlamaanka.
“Mideeda kale wuxuu ku xadgubay xeer hoosaadka, gaar ahaan qodobka 78-aad, farqaddiisa 2-aad wuxuu leeyahay xildhibaanka codsada ee gacanta taagta ayaa la siinayaa hadalka, isaga warqad ayuu sameystay wuxuu yiri safkan ku soco, wiilashii wax qoraayay mid kamid ah ayaa maanta wuxuu igu yiri waan ogahay in arrintan ay khalad ku tahay xeer hoosaadka, laakiin xoghayaha ayaa wuxuu igu yiri halkaas ka soco” ayuu sii raaciyay.
Waxaa kale oo uu kusii daray “Waxaan haysanaa isagoo dhahaayo xildhibaano hadlaayo dhahaayo hadalka yaa siiyay oo uyuy guddoonka leeyahay ? xaq miyuu u leeyahay idinka weydiinaa.
Ugu dmabeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in aysan xoghaya ku haysan arrin shaqsi, balse ay tahay shaqada iyo inuu kasoo tallaabay xadkiisa, sida uu ku dooday xildhibaano
“Annaga khaladaadkaas aan u hadleynay ee xoghaye ahaan iyo shaqsi ahaan uma heysan” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay