Washington (soomaalinews.com) – Wadahadallo lagu doonayo in looga fogaado lacag la’aan baahsan oo uu wajaho Mareykanka ayaa Sabtida maanta ah ka soconaya Mareykanka, iyadoo Madaxweyne Joe Biden uu ka digay in uusan aqbali doonin dalabaadka “xagjirka” ah ee ka imanaya Jamhuuriyiinta, laakin uu wali ka rajjo qabo in la is fahmo.

“Waxa aan wali aaminsanahay in aan ka fogaan karno in ay lacag la’aan baahsani dhacdo, wax wanaagsan ayaanna sameyn doonaa,” ayuu wariyeyaasha ugu sheegay isaga oo ka qeybgalaya shirka madaxda dalalka G-7 ee ka dhacaya magaalada Hiroshima, Japan.

Iyadoo Wasaaradda Maaliyadda Mareykanka ay ka digayso in dowladda Mareykanka ay lacagtu ka dhammaan karto kowda bisha June ayay taasi kicineysaa dhaqaale xumo ballaaran oo ka dhacda dalkan ugu dhaqaalaha badan caalamka, iyadoo ay u badan tahay in taasina ay saameyso dunida oo dhan.

Laakin dagaalka siyaasadeed ee ka socda Washington ayaa socda iyadoo aysan wali muuqan wax muujinaya in xal ay labada dhinac gaarayaan.

Xisbiga Jamhuuriga, oo maamulka aqalka Congress-ka, ayaa dalbanaya in si xooggan loo dhimo miisaaniyadda dowladda si ay iyana u oggolaadaan in ay kordhiyaan awoodda ay dowladdu lacag ku amaahan karto.

Aqalka Cad ayaa doonaya in uu hoos u dhigo dalabaadka Jamhuuriyiinta, waxaana ay saraakiisha Aqalka Cad ku doodayaan in kordhinta xaddiga deynta ee sanadlaha ah oo ahaan jirtay wax caadi ah hadda loo adeegsanayo dano siyaasadeed.

Rajjada laga qabay in murankan xal laga gaaro ayaa Jimcihii caqabadi ku timid ka dib markii ay Jamhuuriyiintu ka bexeen wadaxaajoodka, iyagoo ku dhawaaqay in ay “hakiyeen.”

Laakin wadahadalka ayaa saacado ka dib dib u bilowday, iyadoo Xoghayaha Warfaafinta ee Aqalka Cad Karine Jean-Pierre ay sheegtay in ay “rajja wanaagsan” ka qabaan.

Biden, oo ku sugan dacalka kale ee dunida halkaasi oo ay ku kulmayaan dalalka dimuqraadiga ee hodanka ah ayaa xaaladda lala socodsiiyay saacadihii hore ee Sabtida maanta ah, sida uu Aqalka Cad sheegay.

Agaasimaha Xafiiska Warfaafinta ee Biden, Ben LaBolt, ayaa yiri “Jamhuuriyiintu waxa ay afduub ku haystaan dhaqaalaha, iyagoo ku riixaya in lacag la’aani ay dhacdo, taasi oo dhalin karta in malaayiin qof ay shaqada waayaan, dalkana u horseedi karta dhaqaale burbur ka dib laba sano oo shaqo la’aantu yaraaneysay iyo mushaarkuna uu kobcayay.”

VOA + AFP





Source link