Tababaraha Kooxda chelsea ee Mauricio Pochettino ayaa shaaca ka qaaday in saxiiixa cusub ee Kooxda Romeo Lavia uuna wali diyaar u ahayn in uu u ciyaaro kooxda kadib markii uu kaga soo biiray southampton.
Lavia ayaa chelsea ugu soo biiray lacag dhan 53 milyan oo euro bilowgii bishan iyada oo Blues saxiixiisa ku garaacday Liverpool.
Laakiin xiddiga reer Belguim ayaa gabi ahaan ka maqnaa kooxda chelsea kulankii West Ham ee Axadii sidoo kale tababarka ma qaadan todobaadkan.
Lavia ayaan wax kulan ah u safan kooxdiisii hore ee Southampton isaga oo kaliya kaydka ka soo muuqday kulankii ugu horeeyay ee kooxdiisii hore.
Hadda, Pochettino ayaa shaaca ka qaaday sababta uuna Lavia diyaar u ahayn in uu u ciyaaro chelsea.
Pochettino aya la waydiiyay hadii uu Lavia diyaar u yahay kulanka Luton ee jimcaha”Maya diyaar ma ahan”.
“Romeo waxa uu u baahanyahay in uu sugo dhawr todobaad”ayuu sii raaciyay.
Related