Thiago Silva ayaa ka mid ahaa ciyaartoyda ugu cadcad in laga dhigo kabtanka Chelsea Laakiin Mauricio Pochettino ayaa doortay Reece James in uu ka dhigo kabtankiisa cusub.
Chelseaa ayaa u baahatahay kabtan cusub kadib markii uu Cesar Azpilicueta isaga tagay kooxda Kuna biiray Atletico Madrid.
Silva oo si ku meel gaadh ah u ahaa kabtanka kooxda xilli ciyaareedkii hore ayaa la filayay in uu noqdo kabtanka 1-aad ee kooxda.
Laakiin Pochettino ayaa fikir kale la yimid isaga o kabtan ka dhigay xiddiga James kaas oo ka soo baxay Akademiyada.
“Sababo badan oo kala duwan dartood, ma eegayo kaliya hadda laakiin mustaqbalka,” Pochettino ayaa sharaxay go’aankiisa ah inuusan dooran Silva.
“Waxay ahayd xaalad wanaagsan sababtoo ah Reece wuxuu diyaar u yahay inuu noqdo kabtanka. Marka ciyaaryahanku uu xariif yahay sida Thiago, oo 38 jir ah, kuna dhow 39, ma u malaynaysaa inuu ka fekerayo inuu u baahan yahay calaamadda, waa kabtan sidoo kale sida Reece iyo Ben] Chilwell.
Related