Macalinka cusub ee kooxda Chelsea Mauricio Pochettino ayaa wareysigiisii ugu horeeyay ku weeraray Mason Mount oo uu ku canaantay.
Tababarihii hore ee Tottenham iyo PSG ayaa shalay Isniintii si Rasmi ah u bilaabay shaqadiisa kooxda chelsea waxana uu hogaamin doonaa tababarka isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.
Pochettino Ayaa Blues u saxiixay heshiis 2 sano ah iyo hal sano oo dheeraad ah waxana uu hogaamin doonaa dib u dhiska kooxda chelsea.
Tababaraha reer Argentine ayaa u muuqda mid ku diganaya xiddiga ka sii socda chelsea ee Mason Mount.
Pochettino oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Waxa aan doonaynay xiddigo doonaya in ay nala joogaan”
Hadalkan ayuu tababarugu uga jeeday xiddiga Maunt oo ay chelsea doonaysay in ay sii haysato heshiis cusubna ka saxiixato.
Related