Mauricio Pochettino ayaa rajo ka qaba in Moises Caicedo uu ka badbaadiyay dhaawac halis ah, intii lagu guda jiray xiritaankii kulankii ay Chelsea guusha ka gaartay Fulham xalay.
Xiddiga ugu qaaliisan taariikhda suuqa Premier Legaue ayaa ku dhibataooday in uu qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigo kooxda tan ilaa markii uu ku soo biiray Blues.
Xiddiga Caicedo ayaa lagu soo waramayaa in lagu arkay isaga oo xidhan qalab ilaaliya lugta kadib markii ay ciyaartu dhamaatay.
Pochettino ayaa sheegay in uu xiddiga reer Ecuador ka badbaaday dhaawac halis ah isla markaasna uu taam u noqon doono kulanka Burnley.
Mark wax laga waydiiyay xaalada xiddiga ayuu Pochettino yidhi”Caicedo wuu dhaawacmay laakiin waxa aan rajaynayaa in uuna dhaawac halis ah soo gaadhin”.
Related