Mauricio Pochettino ayaa sheegay in Chelsea ay wali doonayso inay la soo wareegto weeraryahan kale inkasta oo Raheem Sterling iyo Nicolas Jackson ay wacdaro dhigeen kulankii Luton Town.
Chelsea ayaa 3/0 ku garaacday luton Town jimcihii iyaga oo gaadhay guushoodii ugu horaysay ee xilli ciyaareedka cusub.
Xiddigaha Sterling iyo Jackson ayaa dhaliyay 3-da gool ee ay kooxda chelsea ku badisay.
Pochettino ayaa dhawaan sheegay in uu doonayo in uu la soo saxiixdo weeraryahan cusub ka hor inta uuna xidhmin suuqa xagaaga.
Inkasta oo Sterling iyo Jackson soo bandhigeen qaab ciyaareed fiican hadana Pochettino ayaan waxba ka badalin qorshihiisa suuqa.
“Xitaa hadii aan badaniy qorshaha suuqu waa sidiisii, waxba isma badalin”ayuu Pochettino yidhi.
Related