Mauricio Pochettino ayaa farta ku fiiqay Nicolas Jackson, Christopher Nkunku iyo Mudryk isaga oo sheegay in ay aad muhiim ugu tahay in ay goolal badan dhaliyaan si ay kalsoonidooda kor ugu qaadaan.
Ciyaartoydaan ayaa gool dhaliyay kulankii Brighton. Jackson ayaa sidoo kale laba caawin sameeyay, isaga oo ku mutaystay abaal marinta ciyaartoygii ciyaarta.
Hal gool, gaar ahaan, ayaa soo baxay, iyadoo Mudryk iyo Jackson ay wada shaqeynayeen, taasoo u suurtagelisay Mudryk inuu kubad qurux badan shabaqa dhex dhigo.
Sida laga soo xigtay Chelseafc.com, Mauricio Pochettino ayaa yiri: “Jackson iyo Mudryk, waa muhiim inay gool dhaliyaan, Nkunku Sidoo kale”.
“Weeraryahanadu waxa ay u baahanyihiin in ay goolal dhaliyaan si ay kalsooidooda u helaan, waa muhiim in aan goolal dhalino kadib waxan isku dayi doonaa in aan horumar samayno”.
“Waxa aan haysanaa awood badan oo aan ku dhalin karno goolal badan, waa in aan ka shaqayno sidii aan u noqon lahayn kuwa ugu fiican”.

Related



Source link