Mauricio Pochettino ayaa maamulka chelsea ogolaansho u siiyay in la dhamaystiro saxiixa xiddiga khadka dhexe kooxda Sporting Lisbon Manuel Ugarte.
Tababarihii hore ee Tottenham iyo Paris Saint-Germain ayaa qarka u saaran in loo magacaabo tababaraha joogtada ah ee chelsea todobaadkan kadib markii uu qalinka ku duugay heshiis ka hor kulanka ugu dambeeyay ee premier League xilli ciyaareedkan.
Pochettinio ayaa loo xil saari doonaa in uu dib u habayn ku sameeyo kooxda kadib markii ay kooxdu si weyn u bur-burtay xilli ciyaareedkan.
Xilli ay muhiimada siin doonaan xiddigaha haatan jooga kooxda sidoo kale chelsea ayaa tababaraha ku taageeri doonta suuqa kala iibsiga xagaaga si uu ula soo wareego xiddigaha uu doonayo.
Xiddig khadka dhexe ah oo ka garab ciyaara Enzo Fernandez ayaa noqotay muhiimada 1-aad ee chelsea waxana ay haatanba ku dhawyihiin saxiixa Ugarte.
Chelsea ayaa la fahamsanyahay in ay diyaar u tahay i ay bixiso lacagta lagu bur-burin karo heshiiska 22 jirka oo dhan 52 milyan waxana uu xiddigu doonayaa in uu isaga tago kooxda.
Saxafiga Fabrizio Romano ayaa haatan xaqiijiyay in uu Pochettino maamulka chelsea ogolaasho u siiyay in ay kooxdu dhamaystirto saxiixa xiddiga khadka dhexe kaas oo uu doonayo in uu ka dhigo saxiixiisa ugu horeeya.

Related



Source link