Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Manchester City Mateo Kovacic ayaa aaminsan in suuqa kala iibsiga xagaagan ay tahay wakhtiga ugu fiican ee uu xidga ay isku dalka yihiin ee Josko Gvardiol iman lahaa Etihad Stadium.
City ayaa si weyn loola xidhiidinayaa xiddiga daafaca ka ciyaara xagaagan oo dhan iyada oo uu Guardiola xiddiga ka dhigtay bartilmaameedkiisa 1-aad.
Warararka ayaa bilowgii bishii hore sheegayay in ay Man City heshiis la gaadhay RB Leipzig si ay u ehso saxiixa laakiin Heshiiska ayaa istaagay.
Xiddiga Kovacic oo xagaagan ku biiray Man City ayaa ku qancinaya xiddiga ay isku dalka yihiin in uu kula biiro kooxda Man City.
Kovacic, oo saaxiib dhow la ah Gvardiol, ayaa aaminsan in daafaca aadka loo qiimeeyo uu “diyaar u yahay” inuu qaado tillaabada xigta ee xirfaddiisa, waxaana uu rajeynayaa inuu u dhaqaaqo Etihad.
“Dabcan waan jecelahay in uu Gvardiol ku soo biiro kooxda Man CIty”ayuu u sheegay Express.
“Aad ayuu u yaryahay waxana uu leeyahay mustaqbal fiican, hadii uu Yimaado City waxa uu noqon karaa xiddiga ugu fican ee uu awoodo”.

Related



Source link