Muqdisho (soomaalinews.com) – Abuukar Salaad Maxamuud oo ahaa masuul ka tirsanaa maamulka gobolka Banaadir oo ay kooxda Al-Shabaab baahisay inuu isku soo dhiibay, ayaa markii ugu horeysay ka hadlay arrintaasi.
Abuukar ayaa wareysiga kooxda ay baahisay ku sheegay inuu kasoo shaqeeyay degmooyinka Xamarweyne iyo Hodan ee gobolka Banaadir, ahaana guddoomiyaha arrimaha bulshada, inuu kasoo goostay dowladda uuna ku biiray Al-Shabaab.
Sidoo kale waxa uu ku sheegay codka ay baahisay Al-Shabaab inuu towbad keenay, ayada oo qaabka wareysiga u dhacayo laga fahmi karayay heerka qanacsanaan ee ka muuqatay Abuukar, ee fikira kooxda, iyada oo kooxda si fiican loogu soo dhoweeyay, sida uu sheegay.
Kadib markii kooxda Al-Shabaab ay baahisay codka Abuukar waxa uu saacado kadib iska soo duubay muuqaal, kaasi oo uu ku sheegay in wareysiga hadda la baahiyay uu ahaa mid laga duubay November 2021-ka.
Waxa uu sheegay in kooxda ay afduubatay, isaga oo xilligaasi marayay waddo kamid ah kiwa magaalada Muqdisho ee caasimada dalka, uuna ku dhacay shirqool kooxda u maleegtay.
“Waxaa si kedis ah gacanta ugu dhacay shirqool afduub ahaa oo kooxda Al-Shabaab ii sameeysay, waxaa la igu qaatay baabuur indhaha la iga xiray oo muddo aan qiyaasayo saddex saacadood ayaa wado ku jiray kadib waxaa la igeeyay meel oo indhaha la iga furo oo waxa darbiyada ku dhagna calankoodii madoobaa,” ayuu Abuukar ku yiri muuqaalka cusub ee uu baahiyay.
“Niman wejiga duuban yahay ayaa isoo hor fariistay waxay dhaheen gaal baa tahay oo agteena dil kaga xukuman, waxaa kugula macaamileyna oo shaqo ayaa ka rabna, waa ka cudur daartay kadib waxa la igu xiray qol kadib saacad marka ku jiray la ii wacay, calanka madow istaag ayaa la indhahay oo sawirro ayaa la iga qaaday.”
Sidoo kale waxa uu sheegay in wareysiga kooxda ay baahisay laga duubay isaga oo doorasho kala haysan, ayna naftiisa ku jirto halis, uuna isku furtay wareysigaas, sida uu sheegay.
“Waxaa horteyda lasoo dhigay warqad diyaarsan oo wareysiga waxaa la iga qaaday telefoon, marka waxaa qiyaasi karta qof gacan ku jira oo la leeyahay naftaada ku xiran oo doorasho kale ku banaaneyn. Sidey rabeen ayaa u qabtay wareysiga, markasta oo hadalka khafiifayo waa la daminayay oo agtayda qoryo lala taagan yahay siday rabeen ayaa u sameeyay.”
Abuukar ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in cadaadiska Al-Shabaab ay ku haysay uu sababay in uu dalka ka dhoofo, balse uu usoo noqday aabihii oo xanuusnaa dartii, kadibna ay ku billowday cadaadiska kooxdu.
Waxa uu intaas sii raaciyay “Xalay waxaa dhacday in la baahiyo wareysigii ay iga qaadeen kooxda Al-Shabaab. Ujeedka wuxuu ahaa in kaarkeyga la gubo.”
Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay inuu diyaar u yahay in uu caddeeyo sida ay wax u dhaceen, uuna wareysigaas u duubay si uu u badbaadsado naftiisa, islamarkaana aysan jirin wada-shaqeyn ka dhaxeysa kooxda Al-Shabaab.
Si kastaba, Kadib markii ay kooxda Al-Shabaab baahisay wareysiga Abuukar ayaa waxaa sii xoogeystay shakiga “isku milanka hay’adaha dowladda iyo Shabaab,” xilli dowladda ay dagaal xooggan kula jirto kooxda.