Mason Mount ayaa soo gaaray xarunta tababarka Manchester United si uu tijaabada caafimaadka ugu maro kooxda Man United.
Xiddiga chelea ee 24 jirka ah ayaa ku dhaw in uu 60 milyan oo euro ugu biiro maalmaha soo socda.
Xiddiga ayaa maanta oo Isniin ah soo gaadhay garoonka tababarka si uu tallaabo kale ugu qaado ku biirista Man United.
Xiddiga Mount ayaa la filayaa in uu noqdo saxiixii ugu horeeya ee kooxda Man United suuqa xagaaga.
Man United ayaa xiddiga Mount ka bixinaysa lacag dhan 55 milyan oo toos ah iyo 5 milyan oo Guno ah.
Xiddiga ayaa qalinka ku duugi doona heshiis 5 sano ah iyo hal sano oo dheeri ah waxana uu todobaadkii qaadan doonaa lacag dhan 250 kun oo Gini todobaadkii.
Sii Akhriso: Ururka Iskaashiga Islaamka Oo War Ka Soo Saaray Kitaabkii Lagu Gubay Dalka Sweden.
Related