Xididga Mason Greenwood ayaa isaga tagaya kooxda Man United kadib markii ay kooxdu qiimaysay xaalada xiddiga.
Xiddiga 22 jirka ah ayaa la xidhay bishii January kadib markii lagu soo oogay kiis kufsi ah isla markaas la helay cadaymo.
Laakiin xiddiga ayaan mar dambe u ciyaari doonin iyada oo la kansalayo heshiiskiisa ama uu qaab amaah ah uga tagayo kooxda.
Maxkamada ayaa bishii February tuurtay kiiska xiddiga iyada oo qofkii maqraatiga ahayd la laabatay maqraaditeeda.
Laakiin Greenwood ayaan mar kale u ciyaarin kooxda Man United kuwaas oo bilaabay baadhitaan u gaar ah tan ilaa markii xiddiga laga sii daayay jeelka.
Afhayeen u hadlay United ayaa yiri: “Dhammaan cid walba oo ku leh arinta kana mid yahay Mason waxay aqoonsan yihiin dhibaatooyinka ku xeeran ku soo laabashadiisa Man United, Sidaa darteed si wadajir ah ayaa loogu heshiiyey inay ugu habboon tahay in uu isaga tago kooxda waxana aan kala shaqayn doonaa sidii uu u gaadhi lahaa natiijo”.

Related



Source link