Marcus Rashford ayaa qirtay inuu ku dhibtooday inuu daawado dabaal-daga xiddigaha kooxda Man City markii ay u dabaal-dagayeen ku guulaysiga saddexleydii taariikhiga ahayd.
Kooxda Pep Guardiola ayaa ku guulaystay 3 koob xilli ciyaareedkan kadib markii ay kor u qaadeen koobabka FA Cup-, Premier League iyo Champions Legaue.
Kooxda Man City ayaa bar-baraysay rikoodhka oo u xidhnaa kooxda Man United oo sanadkii 1999 ku guulaystay saddexley taariikhi ah.
Xiddigaha Jack Grealish, Kyle Walker & Phil Foden ayaa Rashford kula midoobi doona xulka qaranka England waxana jiri doona digasho saaxiibtnimo.
Rashford ayaa qirtay inuu ka hinaasay guusha City laakiin wuxuu uga digay saaxiibadiisa kooxda iyo kooxaha ay xifaaltamaan ee United in kooxda Guardiola ayna joojin doonin awood sheegashada kooxaha England iyo yurub.
“Hadii aan si daacad ah u hadlo in la arko guulaha City waa wax fiican laakiin sidoo kale waa kubad cag”.
“Kooxda ugu fiican ee si joogta ah u ciyaarta kubbada cagta ugu fiican ayaa ku guulaysan doonta koobabka ugu badan waxayna sanadkan ku guulaysteen saddex”.
“Shaqo fiican ayay qabteen, haatan waa in aan horay u socono oo aan soo qabano kooxaha kale ayay ku xidhantahay in ay isku dayaan in ay soo qabtaan”ayuu sii raaciyay.
Related