Waa kuma xiddiga ugu fiican premier League xilli ciyaareedkan? waxay u badantahay in ay jawaabtu aad u fududahay kaliya waxa aad eegaysaa xogta iyo qaab ciyaareedka xiddigaha.
Laakiin marka laga yimaado Haaaldn waxa jira xiddigo badan oo qaab ciyaareed fiican soo bandhigay xilli ciyaareedkan.
Waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa xiddigaha ugu fiican, sida la filayo waxa ugu xiddigo badan Man City sidoo kale waxa ku jira kooxo ay ka mid yihiin Arsenal, Newcastle iyo Brighton.
Hadaba Halkan kaga bogo 21 xiddig ee ugu fiican horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.
1.Erling Haaland (Man City):
Miyay noqon kartaa qof kale? ma xasuusataa su’aasha halka hore aan isku waydiinay, Haaland ayaa adduunka ka yaabsaday kadib markii uu qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay.
Haaland ayaa muujiyay in uu wax uu Germany iyo Austria ka soo qabtay ka qaban karo premier Legaue waxana uu dhaliyay wax ka badan 50 gool tartamad aoo dhan waxana uu kooxda kula guulaystay League sidoo kale waxa uu sugaya final-ka champions League iyo FA Cup-ka.
2.Martin Odegaard (Arsenal):
Kabtanka Arsenal ayaa wacdaro dhigay xilli ciyaareedkan waxana uu kooxdiisa ku hogaamiyay xilli ciyaareed heer sare ah waxana uu kooxda u dhaliyay 15 gool halka uu caawiye ka noqday 7 kale waxana uu kooxdiisa marar badan u noqday xiddig aan la loodin karin.
3.Bukayo Saka (Arsenal):
Waa mid ka mid ah xiddigaha ugu fiican Premier League waxana uu dhabarka saartay kooxdiisa Arsenal isaga oo marar badan go’aamiyay kulamada kooxdisa.
Xiddiga 21 jirka ah ayaa dhaliyay ama caawiyay wax ka badan 10 gool xilli ciyaareedkan waxana uu kooxdiisa u soo saaray champions League.
4.Kevin De Bruyne (Man City)
5.Harry Kane (Tottenham)
6.Gabriel Martinelli (Arsenal)
7.Jack Grealish (Man City)
8.Marcus Rashford (Man Utd)
9.Ilkay Gundogan (Man City)
10.Alexis Mac Allister (Brighton)
11.Kieran Trippier (Newcastle)
12.Moises Caicedo (Brighton)
13.Ivan Toney (Brentford)
14.Bruno Guimaraes (Newcastle)
15.Granit Xhaka (Arsenal)
16.Kaoru Mitoma (Brighton)
17.Callum Wilson (Newcastle)
18.Solly March (Brighton)
19.Sven Botman (Newcastle)
20.Nathan Ake (Man City)
21.Joelinton (Newcastle)
Related