Manchester United iyo Newcastle United ayaa lagu soo waramayaa in ay hogaaminayaan tartanka Premier league loogu soo celinayo Weeraryahanka Bayern Munich ee Sadio Mane.

Qaab ciyaareedkii 31-sano jirka ah ee Southampton intii u dhaxeysay 2014 iyo 2016 ayaa keentay in Liverpool ay la soo wareegto, weeraryahanka ayaana ku soo caan baxay Anfield, isagoo u saftay 269 kulan, isagoo dhaliyay 120 gool, waxaana loo diiwaan geliyay 48 caawin.

Mane ayaa Liverpool kula guuleystay Premier League, FA Cup, EFL Cup iyo Champions League intii uu la joogay Jurgen Klopp, laakiin waxa uu si la yaab leh uga tagay xagaagii hore.

xiddiga reer Senegal ayaa ku dhibaatooday kooxda Bayern Munich waxana durba lala xidhiidhanayaa in uu isaga tago kooxda xagaagan.

kooxda Chelsea ayaa lala xidhiidhinayay xiddiga iyada oo Blues doonayso in ay xiddiga ku soo celiso Premier league.

Sida laga soo xigtay Sky Deutschland, Man United iyo Newcastle ayaa hadda hogaaminaya baacsiga loogu jiro saxiixa Mane.



Source link