Manchester United ayaa lagu soo waramayaa in lagu wargaliyay Juventus inay diyaar u tahay inay dhageysato dalabyada u imaanaya weeraryahankeeda Dusan Vlahovic.
Serbian-ka ayaa Juve kaga soo biiray kooxda kale ee Serie A ee Fiorentina bishii Janaayo 2022 aduun dhan £66mka dib markii uu ku dhawaad 40 gool u dhaliyay 18 bilood gudahood.
Isagoo dhaliyay 23 gool 63 kulan oo uu saftay tan iyo markii uu u wareegay Turin.
23-sano jirkaan ayaa ku guuldareystay inuu yeesho saameyn ay taageerayaal badan filayeen markii uu saxiixay heshiiska juve.
Sida laga soo xigtay The Mirror, Juventus ayaa isku diyaarineysa inay soo bandhigto dalabaadka Vlahovic,iyadoo Manchester United ay haatan ka warqabto xaalada ciyaaryahanka ee Italy.
Ka dib markii ay ololahan ku dhameysteen kaalinta toddobaad ee Seri A, sidaas darteedna ay seegeen ciyaaraha Champions League,waxaa la fahamsan yahay in kooxda Massimiliano Allegri ay doonayaan inay dhimaan dhaqaalahooda.
Vlahovic waxa uu la dhibtoonayay xanuuno badan oo muruqa ah kaas oo ku soo koobay kaliya 22 kulan oo Serie A ahoo uu ku soo bilowday xilli ciyaareedkii dhamaaday.
Related