Manchester City ayaa lagu soo waramayaa inay horumar ka sameysay raacdada ay ugu jirto daafaca RB Leipzig ee Josko Gvardiol.21 jirkaan ayaa loo arkaa mid ka mid ah rajada ugu fiican ee kubada cagta aduunka isagoo kor u qaaday ciyaartiisaLabadii xilli ciyaareed ugu danbeysay ee Leipzig.
Gvardiol ayaa 41 kulan u saftay tartamada oo dhan intii lagu jiray ololihii 2022-23 isagoo ku guuleystay DFB-Pokal markiisii labaad oo xiriir ah
isla markaana xaqiijistay usoo bixitaanka  Champions League waxayna kooxdiisa ku dhameystay kaalinta seddexaad ee Bundesliga.
Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Croatia ayaa la rumeysan yahay inuu yahay mid ka mid ah bartilmaameedyada aasaasiga ahee Pep Guardiola, waxaana loo aqoonsaday inuu yahay bedelka Aymeric Laporte.
Runtii, Laporte ayaa la saadaaliyay inuu soo afjari doono shan sano iyo bar uu joogay Etihad Stadiumka dib markii uu hoos uga dhacay nidaamka ugu sareeya ee Guardiola isagoo kaliya 11 jeer ku soo bilowday Premier League.
Warbixin dhawaan soo baxday ayaa sheegaysa in Man City ay wadahadalo la bilowday Leipzig oo ku saabsan heshiiska xagaagaee Gvardiol ka dib guushii Champions League ee Inter Milan ay ka gaaren.
Gvardiol ayaa wali heysta afar sano oo kale oo uga harsan qandaraaskiisa, kaasoo uu kordhiyay bishii Sebtembar ee sanadkii hore,waxaana heshiiskiisa la fahamsan yahay inuu ku jiro £ 110m oo lagu burburin karo qandaraaskiisa 2024-ka.
Daafaca lugta bidix ayaa daaha ka qaaday horaantii sanadkan inuu doonayo inuu ka ciyaaro Premier League.
Kooxaha sida Liverpool, Manchester United iyo Real Madrid ayaa sidoo kale lagu tiriyaa inay xiiseynayaan Gvardiol.
Si kastaba ha ahaatee, kooxda ku guuleysatay seddexda koob ee Man City ayaa haatan loo maleynayaa inay ugu cadcadahayinay da’yarka ku soo jiidato Etihad.

Related



Source link