Manchester United ayaa xaqiijisay in Bruno Fernandes loo magacaabay kabtanka kooxda 1-aad.
Axadii Harry Maguire ayaa daaha ka qaaday qoraal uu soo dhigay baraha bulshada in laga xayuubiyay xilka kabtanimo ee kooxda United.
Waxaa jiray filasho ah in uu Ten Hag Bruno Fernandes u magacaabi doono kabtaka 1-aad ee kooxda si uu u badalo Harry Maguire.
Waxa haatan la xaqiijiyay in uu xiddiga reer Portugal badalay Maguire isla markaas noqon doono kabtanka 1-aad ee kooxda Man United.
Warbixin ay soo saartay kooxda ayaa lagu yiri: “Bruno Fernandes ayaa loo magacaabay kabtanka cusub ee kooxda Manchester United”.
“Ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Portugal ayaa horay u soo xidhay calaamada kabtanimada xilli ciyaareedkii hore waxana uu haatan noqon doonaa kabtanka joogtada ah ee kooxda”.

Related



Source link