Manchester United ayaa ogaatay darnaanta dhaawaca Sofyan Amrabat ka dib markii wiilka cusub ee Old Trafford uu ka baxay ciyaaraha caalamiga ah Khamiistii.
Morocco ayaa xaqiijisay in Amrabat laga saaray xulka qaranka kulamada fasaxa xulalka ee ay la ciyaari doonaan xulalka Liberia iyo Burkina Faso usbuuca soo socda.
27-sano jirkaan ayaa u duulay inuu matalo dalkiisa horaantii isbuucaan ka dib markii uu Man United ku biiray maalintii ugu dambaysay suuqii xagaaga.
Red Devils ayaa Amrabat kula soo wareegtay amaah hal xilli ciyaareed ah oo ku kacaya 8.5 milyan iyada oo kooxdu dookh u haysata in ay 17 milyan si toos ah ugula wareegto.
Laakiin walaac ayaa soo baxay fiidnimadii Khamiista markii xiddiga laga saaray waajibaadka xulka qarankiisa Morocco kulamada soo socda waajibaadka xulka.
Dhaawaca Amrabat ayaa u muuqda in uu yahay mid halis ah marka laga reebay waajibaadka xulka qarankiisa waxana uu xaalka ku xumaynayaa tababare Ten Hag oo haatanba xiddigo badan dhaawac uga maqan yihiin.
Related