Kooxda Man United ayaa ugu dambyn war ka soo saartay xaalada xiddiga garabka ka ciyaara ee Jadon Sancho.
Waxa uu khilaaf weyn soo kala dhex galay xiddiga Sancho iyo tababarihiisa Erik Ten Hag kuwaas oo hadalo isku mariyay saxaafada.
Erik Ten Hag ayaa kadib kulankii Arsenal u sheegay saxaafada in uuna xiddigu si fiican u tababaran taasina tahay sababta uu xiddigu uga qayb ahaan waayay kulanka.
Dhinaca kale Sancho ayaa hadal jawaab ah u mariyay baraha bulshada isaga oo u jawaabay tababaraha.
Man United ayaa haatan sheegtay in uu Sancho wali ka maqnaan doono tababarka buuxa ee kooxda isla markaas qaadan doono tababar kali ah.

Related



Source link