Man United ayaa heshay war fiican oo ku aadan xiddiga Rasmus Hojlund kaas ka qayb ahaan doona xiddigaha Man United ee ka hor tagi doona Nottingham Forest.
Xiddiga 20 jirka ah ayaa ku soo biiray Old Trafford bilowgii bishan isaga oo ugu yimid 72 milyan oo euro waxana uu ka soo kabsanayaa dhaawac dhabarka ah.
Man United aya sheegtay in dhaawacu muddo dhawr todobaad ah ka maqnaan doono kooxda isla markaas uu soo laaban doono kadib fasaxa xulalka.
Sida laga soo xigtay The Sun, Da’yarka ayaa diyaar u ah in uu ka qayb qaato tababarka buuxa ee kooxda 1-aad waxana uu ka qayb qaadan doonaa dhawr todobaad ka hor kulanka Nottingham Forest.
Xiddiga ayaan ilaa haatan muujin wax dhibaato ah sidaas darteed waxa uu ka qayb ahaan doonaa kulanka Sabtida ee ay la ciyaari doonto Nottingham Forest.
Related