Xiddiga Jadon Sancho ayaa lagu qasbay in uu tababar qaato kaligiis iyada oo uu wali socdo khilaafka kala dhexeeya tababare Erik Ten Hag.
Xiddiga ayaan xitaa loo ogolaan in uu la hadlo xiddigaha ay isku kooxda yihiin kadib markii uu diiday in uu raali galiyo tababare Ten Hag.
Sida laga soo xigtay ESPN, Ten Hag iyo Man United ayaa dhibaato ka wajihi kara xidhiidhka kubada cagta adduunka ee FIFA maadaama ay jabisay mid ka mid ah xeerarkooda si loo ilaaliyo ciyaartoyda.
ESPN Ayaa sheegtay”Marka la eego xeerarka FIFA, in ciyaartoyga lagu qasbo in ay kaligood tababar qaataan ay tahay in ay keento dhibaato ciyaartoyga ah”.
“Ururka Xirfadlayaasha Kubadda Cagta (PFA) waxay ogsoon yihiin in aan ciyaartoyada loola dhaqmi karin sidaas oo kale”.
Man United ayaa haatan wajihi karta ganaax sabab la xidhiidha in ay xiddiga reer England ku qasbeen in uu kaligiis tababar qaato.
Related