Manchester United ayaa lagu soo waramayaa in ay wadahadalo la furtay xiddiga Atletico Madrid ee Joao Felix si ay u hesho xiddiga suuqa kala iibsiga xagaagan.
Xiddiga 23 jirka ayuu shaki ku jiraa mustaqbalkiisa Atletico Madrid kadib markii uu wakhti xun ku soo qaatay Chelsea halkaas oo uu dhaliyay 4 gool qaybtii dambe ee xilli ciyaareedka.
Felix ayaa Atletico Madrid kula jira heshiis ilaa 2027 ah waxana ay doonaysaa in ay iska iibiso xiddiga kadib markii uu ka baxay qorshaha tababaraha kooxda.
Sida ay sheegaysa ABC, Man United ayaa dib u soo celisay xiddigaha xiddiga 23 jirka ah waxana ay doonaysaa in ay ku xoojiso weerarkeeda xilli ciyaareedka dambe.
Man United ayaa suuqa ugu jirta weeraryahan cusub waxana ay xiddiga Felix u aragtaa xiddig xoojin kara kooxda Erik Ten Hag xilli ciyaareedka cusub.
Sii Akhriso: DEG-DEG: Al-Shabaab Oo La Wareegtay Saldhig Ay Ciiamada Nabad Ilaalintu Ku Wareejiyeen Ciidamada Somaliya.

Related



Source link