Man United ayaa wax ka waydiisay helitaanka ugu yaraan 3 xiddig oo ay u aragto badalka xiddiga Mason Mount.
Chelsea ayaa Man United ka diiday 3 dalab oo ay Red Devils ku doonaysay xiddiga reer England iyada oo dalabkii ugu dambeeyay ahaa mid dhan 55 milyan.
Blues ayaa dalbtay lacag dhan 67 milyan oo euro taas oo ah lacag ayna Man United diyaar u ahayn in ay bixiso.
Man United ayaa la aaminsanyahay in ayna diyaar u ahayn in ay bixiso lacag ka bad-badis ah waxana ay suuqa u gashay badalka Mount.
Man United ayaa haatan kooxda Brighton wadahadalo kala furtay xiddiga Moises Caicedo Hahlka ay sidoo kale Ajax wax ka waydiisay xiddigeeda Mohammed Kudus iyo kooxda Fc Utrecht oo ay wax ka waydiisay xiddiga Taylor Booth.
Mount ayaa haatanba heshiiska shaqsiga ah la gaadhay kooxda Man United waxana uu diyaar u yahay in uu ku biiro Old Trafford.
Related