Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay la xiriirtay kooxda Chelsea si ay ugala hadasho suurtogalnimada inay amaah kula wareegaan xiddiga daafaca bidix ee Marc Cucurella.
Iyada oo la galayo maalmihii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga Man United ayaa raadinaysa xiddig ay ku buuxiso booska Luke shaw oo dhaawacmay.
Xiddiga reer England ayaa la filayaa in uu garoomada ka maqnaado muddo kadib dhaawac muruqa ah oo soo gaadhay.
Kooxda Man United ayaa wadahadalo la yeelatay chelsea si ay amaah ugu hesho xiddiga Marc Cucurella.
Cucurella ayaa u muuqda mid aan ka mid ahayn qorshaha Pochettino waxana laga yaabaa in uu isaga tago kooxda.
Sidaas darteed Man United ayaa doonaysa saxiixa xiddiga reer Spain kaas oo laga yaabo in uu isaga tago kooxda.

Related



Source link