Kooxda Man United ayaa tijaabada caafimaadka marinaysa Goolhayaha Kooxda Fenerbahce ee Altay Bayindir iyagoo ka fiirsanaya inay u dhaqaaqaan saxiixa goolhayaha.
Man United ayaa ku raad joogtay Bayindir in muddo ah laakiin waxa ay doonaysa ain ay u dhaqaaqdo saxiixiisa suuqa kala iibsiga xagaagan.
Goolhayaha ayaa haatan tijaabaca caafimaadka ku maraya Dalka Greece iyada oo United kula wareegi karto Goolhayaha 25 jirka ah 5 milyan oo euro.
Si kasta ha ahaatee dhamaystirka heshiiskiisa ayaa ku xidhnaaan doona in ay kooxdu iibiso Goolhaye Dean Henderson oo lala xidhiidhinayo kooxda Crystal palace.
26 jirkaan ka soo baxay akadeemiga ayaa ka soo laabanaya dhaawac waxana United ogolaan doontaa in uu boxo hadii ay gacanta ku dhigto badalkiisa.
Related