Kooxda Atletico Madrid ayaa Tallaabo u qaaday saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Atalanta ee Rasmus Hojlund sida ay sheegayaan wararku.
Manchester United ayaa si dhab ah u doonaysa saxiixa Rasmus Hojlund ka hor bilowga xilli ciyaareedka 2023/24.
Sida laga soo xigtay The Athletic, Red Devils ayaa haatan heshiis shaqsi ah la gaartay weeraryahanka da’da yar ee doonaya inuu u dhaqaaqo Old Trafford.
Si kastaba ha ahaatee, ‘farqiga qiimaha’ ayaa weli ah mid aad u weyn iyada oo Atalanta dalbanayso lacag dhan 100 milyan oo euro halka ay United diyaar la tahay 50 milyan.
Hojlund ayaa ah bartilmaameedka 1-aad ee Erik Ten Hag suuqa xagaagan kadib markii ay kooxdu isaga baxday baacsiga ay ugu jirto xiddiga Harry Kane.
Sii Akhriso: Somaliland Oo Sheegtay In Ay Khasaare Xoogan Gaadhsiisay Maleeshiyada Weerarka Ku Soo Qaaday Lasacaanood.

Related



Source link