Manchester United ayaa heshiis shaqsi ah la gaartay Andre Onana xilli ay sii wadaan dadaalka ay ku doonayaan in ay ku helaan goolhayaha Inter, sida ay wararku sheegayaan.
Erik Ten Hag ayaa 27 jirkan ka dhigtay bartilmaamedka 1-ad ee uu doonayo in uu ku badalo David De Gea kaas oo uu dhacay heshiiskiisa kooxda.
Man United ayaa laga diiday laba dalab oo ay ka gudbisay saxiixa Onana iyada oo dalabkii ugu dambeeyay ahaa mid 38 milyan oo euro ah.
Sida laga soo xigtay De Telegraaf, Man United ayaa heshiiska shaqsiga ah la gaadhay xiddiga Onana ka hor inta ayan la heshiin kooxda Inter Milan.
Goolhayaha reer Cameroon ayaa ogolaaday heshiis ay u soo bandhigtay kooxda Man United si uu u noqdo Goolhayaha 1-aad ee kooxda Man United.
Sii Akhriso: Ciidamada Dabdemiska Somaliland Oo Gurmad U Fidiyay Dab Weyn Oo Ka Kacay Magaalada Jigjiga

Related



Source link