Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay ogaatay qiimaha lagu iibsan karo ciyaaryahanka khadka dhexe ee Bayern Munich Marcel Sabitzer.
Markii ay u baahatay in ay xoojiso khadka dhexe ee kooxda suuqii January, United ayaa u dhaqaaqday saxiixa xiddiga Sabitzer kaas oo ay kula soo wareegtay heshiis amaah ah.
Inkastoo joogitaanka 29-jirka ee Old Trafford aan lagu tilmaami karin guul weyn, haddana waxa uu muhiim ka noqday kooxda qaybtii dambe ee xilli ciyaareedka.
Xiddiga ayaa ku bilowday shaxda 11 kulan halka uu 7 kale badal ku soo galay tartamada oo dhan ka hor intii uuna dhaawac soo afjarin xilli ciyaareedkiisa.
Sida laga soo xigtay weriyaha Sky Deutschland Florian Plettenberg ayaa sheegay in ay Man United ku heli karto saxiixa xiddiga khadka dhexe lacag dhan 25 milyan oo euro.
Plettenburg ayaa sheegaya in ay United ka fiirsanayso in ay qaab toos ah ula wareegto xiddiga khadka dhexe ee Sabitzer marka uu dhamaado xilli ciyaareedku.

Related



Source link