Paul Merson ayaa magacaabay saxiixii Manchester United ka dhigi kara koox ku tartami karta horyaalka premier League xilli ciyaareedka soo socda.
United ayaa xagaagan xoojisay kooxda iyaga oo la soo saxiixday xiddiga Mason Mount iyo goolhayaha Cameroon Andre Onana.
Ten Hag ayaa Man United ku riixaya in ay la soo saxiixato weeraryahan cusub iyada oo kooxdu diyaar u ah in ay 60 milyan ka bixiso xiddiga Atalanta ee Rasmus Hojlund.
Laakiin xiddigii hore ee Arsenal Merson ayaa rumaysan in ay Man United muhiimadiisa saxiixa xiddiga Tottenham ee Harry Kane.
Ten Hag ayaa taageere u ah Kane laakiin Man United ayaa qaboojisay xiisihii ay u qabtay xiddiga Tottenham sabab la xidhiidha qiimaha ay Tottenham ku qiimayso xiddiga.
Merson oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Man United waxa ay u baahantahay in ay hesho Kane, hadii ay helaan Kane waxay ku tartami doonaan horyaalka premier League”ayuu sii raaciyay.
Related