Ciyaaryahankii hore ee kooxaha Tottenham, AC Milan iyo Ghana Kevin-Prince Boateng ayaa aaminsan in Manchester United ay tahay inay ceyriso Erik ten Hag.
Man United ayaa ku bilaabatay sidii ugu xumayd xilli ciyaareedka iyaga oo laga badiyay 4 ka mid ah 7-dii kulan ee ay ciyaareen prmeier League.
Sidoo kale Man United ayaa laga badiyay 2-dii kulan ee ay ciyaareen champions League xilli ciyaareedkan.
Boateng ayaa dareensan in Ten Hag uuna lahayn heer uu ku sii ahaan karo tababaraha Kooxda Man United.
“Waxan qabaa in uu tago”ayuu Boateng u sheegay Vibe with Five.
“Waxa aan arko, ma jirto wax tamar ah, ma arko wax tamar ah”ayuu sii raaciyay.
Related