Manchester United ayaa si aad ah ugu dhow inay u dhaqaaqdo saxiixa daafaca Chelsea Marc Cucurella, sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Spain.
Daafaca bidix ayaa Chelsea ugu soo biiray heshiis 62 milyan sanadkii 2022 isaga oo kaga soo biiray Brighton laakiin waxa uu ku fashilmay in uu qaab ciyaareed fiican soo bandhigo.
Cucurella ayaan wali ku bilaaban kulan Rasmi ah inta uu Mauricio Pochettino hogaaminayo kooxda isaga oo ka dambeeya xiddiga Ben Chilwell.
Kaddib dhaawac soo gaaray Luke Shaw, United ayaa si degdeg ah ugu laabatay suuqa iyaga oo doonaya daafac bidix ka hor inta uuna xidhmin suuqu.
Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka England ayaa lagu wadaa inuu garoomada ka maqnaado muddo labo bilood ah, maqnaanshihiisa ayaana ku soo beegantay waqtigii ugu xumaa, iyadoo sidoo kale uu dhaawacmay Tyrell Malacia.
Man United ayaa si Rasmi ah ugu dhaqaaqday saxiixa xiddiga Cucurella iyada oo wargayska Marca sheegayo in uu xiddigu ku dhawyahay in uu qaab amaah ah ugu biiro Man United.
Chelsea waxay u badan tahay inay dalbato lacag halka hore ah iyo waliba in ay United bixiso dhamaan mushahara Cucurella si uu ugu biiro kooxda Man United.
Related